1

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa soo saaray war Murtiyeed ka kooban ilaa 16 Qodob.

Haddaba Shabakadda Guuxa Online ayaa idinla wadaageyso 6 Qof oo xasaasi ah oo kamid ah qodobadaas, kuwaas oo aan u aragnay inay yihiin kuwa ugu saameeynta badan.

Halkaan hoose ka akhriso lixda Qodob oo ay soo xushay Shabakadda, adigana waxaa kuu furan Akhriste inaad ka hadasho qodobada kale ee aad is leedahay waa xasaasi:

1) Galmudug: Waxaa laga dareemayaa War murtiyeedka Madaxda maamul Goboleedyada inaysan aqoonsaneyn xil ka qaadisti lagu sameeyey Madaxweyne Xaaf, waxayna ku baaqeyn in wax kasta wada hadal lagu dhameeyo, waxaana ka muuqato qodobkaan inay Maamul Goboleedyada doonayaan inay Galmudug ahaato sidii markii hore aheyd iyo madaxdii Joogtay.

2) Khilaafka Dowladda:  Waxay Madaxda Maamul Goboleedyada dowladda Dhexe ugu baaqeyn inay wada tashi la sameyso Dowlad Goboleedyada, iyagoo soo daliishaday Qodoka 53 ee Dastuurka Federaalka soomaaliya, waxayna tilmaameyn inay lagama maarmaan tahay in lagala tashto go’aanada masiiriga ah ee sida tooska saameynta ugu yeelan karo Deegaanada ay maamulaan, waxayna soo jeediyeen in Khilaafyada dhasho lagu xaliyo sida ay ku jirto danta Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa hadda jiro oo ay ula jeedaan in xiriirka loo jaro dowladda Qatar lana taageero Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga oo ay aaminsan yihiin inay dan ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed.

3) Faderaalka: madaxda Maamul Goboleedyada waxay walaac ka muujiyeen sida ay sheegeeyn tallaabooyin ay dowladda ku dooneyso inay meesha uga saarto Fadaraalka, waxayna ku baaqeyn in wadatashi dhab laga yeesho, weliba waxay si gaar ah u taabteen in go’aan laga gaaro Sida awoodaha noqonayaan, sida loo qeybsanayo Kheyraadka dalka oo ay sheegeen inaan aragti guud oo mideysan laga laheyn, waxayna ku tilmaameyn inay arrintaan hor taagan tahay in hore loo socdo sida ay hadalka u dhigeyn.

4)Xeerarka:  Waxay walaac ka muujiyeen xeerar badan oo ay dowladda dhexe ansixisay, iyagoo tilmaamay inaan weli laga heshiin habka loo qeybsanayo awoodaha dowladda dhexe iyo tan Dowladaha Federaalka ah, waxayna arrintaan ku tilmaameen inay sabab u tahay Khilaafyada soo noq noqday.

5) Kaalmada Caalamiga: Maamul Goboleedyada waxay sheegeen inay iyaga 80% ay saaran tahay culeyska Amniga iyo waxqabadka dalka,  taas badalkeedana waxay xuseyn in Kaalmada Caalamiga ah laga siiyo kaliya 5% wax ka yar, waxayna tusaale ahaan usoo qaateen 10,000 Guri ee Turkiga ugu deeqday dowladda oo ay sheegeen inaysan ka helin hal guri iyagoo weliba ay deegaanadooda ugu baahi badan yihiin sida ay war murtiyeedka ku sheegeen.

6) Go’aan: Golaha waxay ku dhawaaqeeyn inay gebi ahaanba hakiyeen dhammaan howlaha la xiriiro Xeerarka iyo dib u eegista dastuurka inta laga xalinayo Khilaafka jiro isla markaasna laga heshiinayo habka loo qeybsanayo awoodaha iyo Kheyraadka.

Halkaan hoose ka akhriso dhammaan qodobada laga soo saaray Kismaayo:

a

3

c

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB.

Sidee U Aragtaa? Ka Dhiibo Fikraddaada.

Trending